Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala ma jiro wax denbi ahi oo ku saaran waxay cuneen (ama cabbeen intaan la xaaraanti- meyn), hadday iska jiraan xumaha (oo gutaan xilka saaran diin ahaan), oo rumeeyaan oo camallo san falaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo gutaan (waajibka saaran) oo rumeeyaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo sama falaan. Allena wuxuu jecel yahay sama falayaasha.