Markaa haddii la ogaado inay muteen denbi, labo kale baa meeshooda joogsan (oo la dhaarin), ka mid ah kuwaa xaq ku sheeganaya, labada u xiga qaraabo ahaan. Markaa waa inay labadaa ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya) wallee maraggayaga baa ka xaqsan maraggooda, mana xadgudbin, (haddaan xadgudubno) waxaanu markaa ka mid ahaan daalimiinta