Waxaad u malayn laheyd kuwa soo jeeda iyagoo jiifay1, waxaana u geddinaynay kolna dhinaca midig, kolna dhinaca bidix, halka eygoodu (dhabbacnaa) isagoo ku fidinaya labadiisa addimood ee hore irridka laga soo galo; haddaad eegi lahayd xaggooda, waad iska soo geddiyi lahayd adigoo baxsad ah, waxaana kaa buuxsami lahaa baqdin.