Ogaadana inuu idinku dhex jiro Rasuulkii Ilaahay, hadduu idinka yeeli lahaa in badan oo arrimo ah, waa dhibtoon laheydeen, Alle baase idin jeclaysiiyey Iimaanka kuna qurxiyey quluubtiinna, oo ka yeelay wax aad neceb tihiin gaalnimo, faasiqnimo iyo caasinnimo. Kuwaasi waa kuwa hanuunsan.