Dadow! Waxaanu idinka abuurnay lab (Aadam) iyo dhedddig (Xawwaa), idinkana dhignay shucuub iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan, hubaal, kan idiinku sharaf badan Alle agti waa kan idiinku dhowris badan (xilkuu Alle idin saaray ee ka jooga xumaha). Hubaal Alle waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah, Xeel Dheer.