Waa sidaase, qofkii weyneeya oo iska jira waxyaalahuu Alle caagay28>1, isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis. Waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo (waxa la idinku dul) akhiryo (oo laga soo reebay)9 Ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah (caabudidda) sanamyada, kana fogaada hadalka beenta ah.