(Xus, Nabi Muxammadow) markaan u cayinnay Ibraahiim halka Beytka (Kacbada), Annagoo leh: “Alle ha la wadaajin (cibaadada) waxba oo ha u shariig yeelin, una daahiri Baytkayga (Kacbada) kuwa dawaafi iyo kuwa u istaagi inay ku tukadaan iyo kuwa rukuuca ee sujuuda.”