Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (xilkuu uu idin saaray) Alle oo rumeeya Rasuulkiisa (Nabi Muxammad), Wuxuu (Alle) idin siin labo saami oo Naxariistiisa ah, idiinna yeeli Nuur aad ugu socon (si toosan) oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.