Way u dhawaaqi (iyagoo leh): Sow ma aanan aheyn la jirkiinna? Waxay odhan: Haayoo, waxaadse balayseen nafahiinna1, oo sugteen oo shakideen, waxaana idin hoday hawooyin been ah jeer cadaabkii Alle idinku gooddiyey yimid, isagoo kan hodidda iyo dhagarta badan (Shaydaan) idinka hoday xagga Alle.