Waxay yeesheenna Alle sokadi ilaahyo aan waxba abuuri karin iyagase la abuuray, oo aan u hanan karin nafahooda wax dhib ama dheef ah, oo aan laheyn wax awood ah (ay ku sababaan) dhimasho, ama (ku bixiyaan) noolaansho, ama mid dhintay kaga soo bixiyaan qabri isagoo nool.