Marka lagu yidhaahdo, Rumeeya waxa Alle soo dejiyey (Qur’aanka), waxay yidhaahdaan: Waxaanu rumeysannahay waxa naloo soo dejiyey (Towraadda). Waxayna beeniyaan waxa la barbar ah (sida Qur’aanka), isagoo xaq ah rumeyn waxay haystaan (oo Kitaab ah). Dheh: Maxaad haddaba u disheen Anbiyadii Alle kal hore, haddaad tihiin mu’miniin?