Haddana, waa isla idinka kuwa is-dila oo ka qixiya qaar idinka mid ah guryahooda, idinkoo isugu kaalmeyn denbi iyo colaad. Hadday idiin yimaadaanse iyagoo qafaal ah oo xidhan, waad madax furataan, iyadoo qixintooda ay xaaraan idinka ahayd. Ee ma waxaad rumeyney- saan qaar ka mid ah Kitaabka oo diidey- saan in kale oo ka mid ah1? Muxuu yahay abaalka kuwa idinka mid ah ee sidaa sameeya (rumeeya Kitaabka qaar, diidana qaar) aan aheyn dulli nolosha adduunkan ah; Maalinta Qiyaamana waxaa loo celin cadaab tan ugu daran. Allena ma mooga waxaad falaysaan.