(Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkaygiiyow! Waxaad dulmideen nafahiinna ka dhigashadiinna dibiga (ilaah darteed). Ee u toobad keena Uumihiinna oo is dila1, Sidaasaa idiin khayr badan Uumihiinna xaggiisa, markaasuu (Alle) idinka aqbalay toobaddiinnii, hubaal waa Toobad Aqbalaha, Naxariista Badan.