Haddaad furtaan haweenka ka hor intaydaan taaban, aadna u goyseen Meher, markaa siiya meherka aad u goyseen barki, inay iyagu cafiyaan maahee, ama uu cafiyo (ninka_waliga) uu ku jiro gacantiisa xarigga nikaaxa. Inaad cafidaan (waa ninka oo siiya meherkii oo kaamil ah ama inay iyadu iska cafido meherkaa nuskiisa ay leedahay) baa u dhow (samaha iyo) Alle ka cabsiga. Hana halmaamina wanaagga dhexdiinna. Hubaal Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.