Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxaad sarbeebtaan1 ee la xiriira u doonashada guur haweenkaa ama aad ku qarsataan (doonistaa) nafahiinna, Alle wuu og yahay inaad xusi doontaan, hase ugu ballan qaadina si qarsoodi ah guur inaad ku dhahdaan maahee hadal wanaagsan, hana tala goosannina inaad guur gashaan jeer ay dhammaato (ciddadu) muddada la qabtay ee qoran. Ogaadana inuu Alle og yahay waxa ku jira nafahiinna, ee ka digtoonaada. Ogaadana inuu Alle yahay Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.