Haweenka la furayna waa inay u sugaan (guursigooda) saddex xayl (ama ka daahiroobid dhiigga caadada), mana u bannaaana inay qariyaan wuxuu Alle ku abuuray riximyadooda, hadday rumeysan yihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro. Nimankoodaana u xaq leh inay soo ceshadaan muddadaas dhexdeeda, hadday rabaan heshiis; waxayna (haweenku) leeyihiin xuquuq inta lagu leeyahay oo kale oo si wanaagsan ah, nimankuse waxay dheer yihiin darajo (mas'uuliyad ah). Allena waa Adkaade, Xakiim ah.