Xusa Alle inta lagu jiro maalmaha tirsan1; qofkii degdega si uu u tago labo maalmood gudahood (waa maalinta 2aad ee Xajka), ma jiro wax denbi ah oo saaran, qofkiina dib u hara (Maalinta 3aad) ma jiro wax denbi ah oo saaran, (kani) waxaa iska leh kan iska jira (xumaha), oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.