Xajka (waxaa la gutaa) bilaha la yaqaan1. Ee qofkii goosta inuu guto Xaj dhexdooda markaa waa inaysan ka dhicin galmood2 iyo macsi iyo muran midna Xajka gudahiisa. Waxaad fashaan oo khayr ah, Alle wuu og yahay, ee sahay qaata, hubaal sahayda ugu wanaagsan waa qofka oo iska ilaasha (xumaha). Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, dadka wax garadka ahow!