U dhammeystira Xajka1 iyo Cumrada Alle darti. Haddiise la idinka xannibo (dhammeystirkooda), gowraca Hadyi2 waxaad heli kartaan ah, hana xiidhina madaxyadiinna jeer hadyigu gaaro meesha gowraciisa. Qofkiise idinka mid ah ee buka ama ka qaba cudur oogada madaxiisa (oo xiira timahiisa isagoo xarman), waxaa saaran fidyo ah soomid3 ama bixin sadaqo4 ama neef gowracid5, markaadse aamin tihiin, Qofkii ka faa’ideysta inuu ku daraa Cumrada Xaj, waa inuu gowraco hadyi wuxuu heli karo ah, qofkiise aan heli karin (hadyi), waa inuu soomo seddex maalmood inta lagu jiro Xajka iyo toddobo maalmood markaad laabataan, intani waa toban buuxda. Arrinkani wuxuu ku gaar yahay midka aanay reerkiisu deggeneyn Masjidka Xaramka. Oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle. Ogaadana in Alle ciqaabkiisu daran yahay.