Bisha xurmadda gaarka ahi leh (dagaalka la idinku soo qaado) waxaa laga hortegi isla bishaa xurmadda gaarka ah leh, dhammaanna waxyaalaha xurmadda gaarka ahi lihi qisaas baa ah. Qofkii idin ku soo xadgudba, idinkuna ku xadgudba in la mid ah intii uu idinku xadgudbay oo kale1. Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, oo ogaada inuu Alle la jiro kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarradiisa).