(Xus) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow, ka dhig beledkani (Makkah) magaalo nabad ah, kuna galladeyso dadkeeda midho, kuwooda rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. (Alle) wuxuu yidhi: Qofkiise gaalooba, waxaan u raaxeyn in yar, markaas kaddib waxaan ku dirqin cadaab Naar ah, oo ugu xun meel la ahaado.