(Alle) waa Kan idinka abuuray naf keliya (Aadam) oo isla xaggeeda ka abuuray xaaskiisa (Xawwaa), si uu u weheshado. Markuuse (mid ka mid ah aadmiga) ku hagoogto (xaaskiisa) bay qaaddaa uur yar, oo halkaas ka sii waddo, markay cuslaato, waxay labaduba baryaan Alle, Rabbigood, (oo ay yidhaahdaan): Haddaad na siiso (dhal) wanaagsan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahdiya.