Weydii (Yuhuudda) magaaladii (Eila) ee ku ag tiil badda (cas, dadkeedii), markay ku xadgudbeen arrinkii (Maalinta) Sabtida, oo kalluunkoodu u imanayey maalinta Sabtida ah isagoo muuqda, maalintaan Sabti aheynna uma timaaddo. Sidaasaan u imtixaannay caasintoodii awgii.