Markii lagu yidhi: Dega magaaladan (Qudus)1 oo wax ka cuna meeshaad doontaan, oo dhahaya,’ (Allow naga) rid culayska na saaran’; kana gala albaabka idinkoo sujuudsan (hoggaansan), aan idiin dhaafnee gefefkiina: Waana u ziyaadin (ajarka) sama falayaasha.