(Nabi Muxammadow) dheh: Dadow! Anigu waxaan ahay Rasuulka Alle ee loo soo diray idinka oo dhan, Allahaasoo iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Ma jiro Ilaah (xaq ah) Isaga Maahee; Isagaa wax nooleeya waxna dhinsiiya. Ee rumeeya Alle iyo Rusuulkiisa, Nabiga aan waxna qorin, waxna akhriyin, ee rumeysan Alle iyo Kelmadihiisa, raacana si aad u hanuuntaan.