Kuwa raaca Rasuulka-Nabiga waxna qorin, waxna akhrin, oo ay ka helayaan isagoo ku qoran Tawraadda iyo Injiilka - kaasoo amra wanaagga kana reeba xumaanta, oo u xalaaleeya waxyaalaha wanaagsan kana xaaraameeya Waxyaalaha xun oo ka dejiya culayskooda iyo xargihii korkooda ahaa1. Kuwa rumeeya (Nabigaa) oo sharfa, oo u gargaara oo raaca Nuurka (Qur’aanka) lala soo diray, waa kuwaa kuwa ah liibaanayaasha.