Markuu u yimid Muuse ballankayagii oo Rabbigi la hadlay, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iskay tus aan ku eegee. (Alle) Wuxuu yidhi: Ima arki kareysid (adduunka oo ma awooddid), laakiinse eeg buurta, hadday ku sugnaato meesheeda markaas ayaad i arki. Markiise uu Rabbigi isu muujiyey buurtii1, wuxuu ka yeelay burbur, Muusena dhulkuu ugu dhacay suuxdin. Markuu soo miyirsaday wuxuu yidhi: Xurmo oo dhan Adigaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), waan kuu toobad keenay (Allow), waxaana ahay kan ugu horreeya mu'miniinta.