Waxaan ku waajibannay aadmiga inuu wanaajiyo oo baarri u ahaado labadiisa waalid, haddiise ay kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso (cibaadada) waxaad u heysan cilmi1, ha ku adeecin. Waa Xaggayga noqodkiinnu, waxaana idiin sheegi (oo idink abaal marin) waxaad camal fali jirteen (oo dhan).