Mid walbaa (oo ka mid ah) waxaan ku qaadnay denbigiisa, waxaa ka mid ahaa kuwo aan u dirnay dabeyl daran (sida qoonkii Luud), waxaa ka mid ahaa kuwo uu qabsaday qarax weyn (sida Thamuud iyo qoonkii Shucayb), waxaa ka mid ahaa mid aan la goynay dhulka (Qaaruun); waxaana ka mid ahaa kuwo aan harqinnay (Qoonkii Nuux iyo Fircoon). Mana aheyn Alle inuu dulmiyey, iyagaase nafahooda dulminayay.