(Xus qisada) rafiiqii nibriga (Yuunus) markuu tegay isagoo (u) cadheysan (dadkii loo diray) 1, wuxuuna mooday inaanan cidhiidhyeyn (aanu qabanayn)2! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyo dhexdooda3 (isagoo leh): Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn (Allow). Adigaa ka hufan (xumaan), anigu waan gefay.