Markay kuwa rumeysan Aayadahaya- ga kuu yimaadaan, dheh: Nabadi korkiinna ha ahaato, Rabbigiin wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis, sidaa awgeed, hadduu midkiin u falo xumaan jahli darti, markaas kaddibna toobad keeno oo wanaagsanaa- do, hubaaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.