Kuuma bannaana (Nabiyow, guursiga) haween dambe intaa kaddib, iyo inaad iyaga (xaasaskaaga furto oo) ku beddalatid xaasas kale midna, xataa hadday quruxdoodu ku cajabiso marka laga reebo kuwaa ay gacantaadu midig hanato. Allena wuu u jeedaa wax walba.