Dheh: Bal ka warrama hadduu (Qur’aanka) ka yimid xagga Alle, oo aad ku gaalowdeen, uuna ka marag furay marag fure ka mid ah ilmahii Israa’iil1 inuu la mid yahay (Towraadda), markaasuu rumeeyey2 halka aad idinku is kibriseen. Hubaal Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (madaxa adag).