Waxaana raacay (Islaamka) diinta Aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub; naguma habboona inaan la wadaajinno Alle cibaadada waxna waxay ahaadaanba. Arrinkani waa Fadliga Ilaahay noo galay innaga iyo dadkaba, dadka badankiisuse kuma mahdiyaan (Alle, af, uur iyo addinba).