Kuwase kasbada xumaha (shirkiga iyo macaasida), abaalka xume keliyihi waa mid la mid ah, dulli baana daboolaya (wejiyadooda). Ma helayaan wax Alle ka celiya. Waxaad moodi wajiyadooda in lagu daboolay goosanno habeen gudcur madow ah, waa Kuwaa ehlu Naarka, wayna ku dhex waari weligood.