Kuwaas waa kuwuu Alle u nicmeeyey oo Nabiyadii ah, oo durriyadii Aadam ah, iyo kuwaan kula qaadnay (Doonnida) Nuux, iyo durriyadii Ibraahiim iyo Israa’iil (Yacquub) iyo kuwaan hanuuninnay oo aan doorannay. Marka kuwaasi Aayadka Raxmaanka loo akhriyo, waxay ula dhacaan dhulka sujuud iyo oohin.