Thammudna (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi. Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya1, ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) aan Isaga aheyn. Wuxuu idinka aheysiiyey dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan, ee weydiista Alle denbi dhaaf, una toobad keena. (Alle) Rabbigay wuu Dhow yahay Ajiibaa (baryada).