Jeer markuu Amarkayagii yimid 1 oo tinnaarkii biyo burqaday, Waxaanu nidhi: Ku qaad doonnida labo nooc kasta lammaane iyo ehelkaaga, marka laga reebo kuwa uu Qowlka horey ugu maray (in la halligayo: xaaskii Nuux iyo wiilkiisa Kancaan, waxaana badbaaday Saam, Xaam iyo Jabiit), iyo kuwa (Xaqa) rumeeyey. mana ay la rumeyn (Xaqa) in yar ma’ahee.