Ma aha isku mid labada badood, mid waa macaan lagu harraad baxo ay wanaagsan tahay cabbiddiisu, kan kalena waa milix lagu gubto dhanaankeeda daran awgi, mid walbaana oo ka mid ah waxaad ka cuntaan hilib cusub oo jileec ah (kalluun), oo waxaad kala soo baxdaan (badda) waxyaalo aad qurux u xidhataan. Waxaadna arkaysaa doonyaha oo dhex maaxaya badda, si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad (Alle) ku mahdisaan.