Alle wuxuu idinka abuuray carro, haddana mino-nool, haddana wuxuu idinka yeelay lammaan (lab iyo dheddig); ma jirto dheddig uur qaadda, mana ku soo debed dhigto waxaan ahayn ogaalkiisa, mana jiro ku cimrigiisu la dheereeyo ama wax laga dhimo cimrigiisa oo aan dhammaan ku qornayn Kitaab (Looxa Maxfuudka). Hubaal arrinkani waa mid Alle u Fudud.