(Sidoo kale Alle wuu cafiyey) seddexdii dib loo dhigay (arrinkooda ee ka xumaaday khaladkoodii)1, heer arladu ku ciriiryoontay waxay ballaar laheyd, nafahoodana sidoo kale ku ciriiryoomeen, waxayna hubeen in aanay jirin meel laga magan galaa Alle aan ahayn Xaggiisa. Markaasuu waafajiyey toobad san, si ay u toobad keenaan. Hubaal Alle waa Toobad Aqbal Badanaha, Naxariista badan.