Nabiyow! Markaad furaysaan haween, fura iyagoo markaas ku jira waqtiga loo qabtay furitaanka3>2>1, oo u tiriya (si dhan) maalmaha ciddada (muddada ay sugayaan furitaanka kaddib3), dhowrana (xilkuu idin saaray) Allaah, ee Rabbigiin ah, ha uga saarina (xaasaskiinna) debedda guryahooda, yeysan iyaguna bixin (intay ciddada ku jiraan ee la soo ceshan karo) inay la yimaadaan maahee xumaan cad. kuwaas waa soohdimaha uu dhigay Allaah. Qofkiina ka tillaaba soohdimaha uu dhigay Allaah, wuxuu dulmiyey naftiisa. (Midka furayow xaaskiisa) ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Alle dib ka keeno xaal cusub