Kuwa ka mid ah haweenkiinna ee ka quustay xaydka (dhiigga caadada), haddaad shakideen, ciddadoodu waa seddex bilood, iyo kuwa (sidoo kale) aan weli helin xaydka, kuwase uurka leh (haddii la furo) ciddadooda waa intay ka dhigaan culeysyadooda oo ka dhalaan1. Qofkii dhowra (xilkuu saaray) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) wuxuu uga dhigi arrinkiisa wax u fudud.