Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u gargaara (diinta) Alle, siduu ku yidhiba Ciise, ina Maryam, xertiisii Waa kuwee kuwa iigu gargaaraya (diinta) Alle? Xertii waxay yidhaahdeen: Innagaa ah u gargaarayaasha (diinta) Alle, Markaasay qayb ka mid ah ilmahii Israa’iil rumeeyeen, oo qayb kale gaaloobeen. Waxaana taageernay kuwii (xaqa) rumeeyey (oo ka adkaadeen) cadowgoodii, markaasay muuqdeen (oo ka taliyeen arlada).