Miyeyna marin (gaalada) dhulka oo eegin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyay (ee beeniyey Rusushii Alle)? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog iyo awood badan, waxay beerteen dhulka oo u dhiseen si ka badan siday kuwani u dhiseen, waxaana halkaa ula yimid xujooyin cad Rusushii loo soo diray, Allena ma aha mid dulmiya (dadka), iyaga baase nafahooda ku dulmiya (macaasi).