Waxaanu kuugu waxyoonnay (Nabi
Muxammadow) sidaan ugu waxyoonnay Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyay; Waxaana u waxyoonnay Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, Al-Asbaad (Nabiyadii ahaa firka Yacquub), Ciise, Ayyuub, Yuunus, Haaruun iyo Sulaymaan, Daawuudna Waxaanu siinnay Zabuur.