Iyo odhaahdooda: Waxaan dilnay Masiixa Ciise ina Maryam, Rasuulkii Alle1, _mase ay dilin2 mana ay daldalin, waase loo arag ekeysiiyey. Oo kuwa isku khilaafa arrinkiisa waxaa kaga jira shaki. Uma heystaan wax cilmi (la hubo oo run ah), waxay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Mana ay dilin oo la hubo.