(Sidaa awgeed waan lacnaday) axdigay ka baxeen darteed, iyo rumeyn la’aantooda Aayadaha Alle iyo ku diliddooda Anbiyada xaq darro, iyo qawlkooda ah: Quluubtayada way qufulan yihiin. mayee, Alle baa yeelay shaabbad daboosha gaalnimadooda darteed marka ma rumeeyaan in yar ma’ahee.