Alle wuxuu idiin dardaarmi (wanaajinta iyo daryeelka) carruurtiinna, labku wuxuu leeyahay saami u dhigma labo dheddig1; haddayse yihiin haween labo ka badan, waxay leeyihiin saddex meelood labo meel wuxuu ka tagey mowtanaha ee dhaxal ah; hadday tahay mid keliya, waxay leedahay kala bar oo bar. Labadiisa waalid mid walbaa wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel waxa dhaxal laga tagey, haddii mowtanaha uu leeyahay ilmo, haddaanuse lahayn ilmo – oo ay dhaxlayaan (oo keliya) labadiisa waalid, markaa hooyadu waxay leedahay saddex meeloodoo meel; hadduu se leeyahay walaalo, hooyadi waxay leedahay lix meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka wuxuu ka dardaaramay2 ama deyn (lagu leeyahay). Ma ogidin aabbayaashiin ama ilmahiinna kooda idiinku dhow waxtar ahaan. Waa faral uu qaddaray Alle3. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.