Waxaa ku dhex yaal (Kacbada) calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. U xajinta beytkana (Kacbada) waa xil saaran dadka dar Alle, qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggiisa1, qofkiina beeniya (faral ahaanta Xajka), hubaal Alle wuu ka kaaftoon yahay uumanka.